Haayada wadaniga ah ee ASAL ayaa u soo gaba-gabaysay tartan aqooneed ay u qabatay dugsiyada hoose/dhexe ee degmooyinka Axmed-dhagax iyo 31 May ee magaalada Hargeysa, taas oo munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay loogu qabtay hoolka shirarka ee hoyga waxbarashada ee dugsiyada Al-Jazeera ee magaalada Hargeysa.
Tartankan oo soo socday afartii cisho ee u dambaysay ee lagu guda jiray bisha barakaysan ee ramadaan, wuxuu markii hore qorshihiisu ahaa in ay ka qayb galaan 8 dugsi hoose/dhexe balse waxa nasiib u yeeshay in ay ka qayb galaan 7 dugsi hoose/dhexe ee ka ahaa dugsiga hoose/dhexe ee Faadumo biixi, dugsiga hoose/dhexe ee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ee xaafada sheekh sancaani ama loo yaqaan Ayax-4, dugsiga hoose/dhexe ee Sheekh Cumar, dugsiga hoose/dhexe ee Axmed Cali Toor (Ex Malko Durduro), dugsiga hoose/dhexe ee Mujaahid Maxamed Cali Dayib, dugsiga hoose/dhexe ee macalin daa’uud iyo dugsiga hoose/dhexe ee Muj. Maxamed Cabdi Alif-Doon (Alif-doon). Gunaanadkii waxa tartan aqooneedkan iskugu soo hadhay labada dugsi ee kala ah dugsiga hoose/dhexe ee Faadumo biixi iyo dugsiga hoose/dhexe ee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ee xaafada sheekh sancaani (Ayax-4), waxaana kaalinta koowaad ee tartankaasi guushu ku raacday dugsiga hoose/dhexe ee Faadumo biixi.
Waxaan leenahay hambalyo hambalyo hambalyo ardayda dugsiga hoose/dhexe ee faadumo biixi iyo maamulka iyo barayaasha dugsigaas ee guushu raacday.
Masuuliyiinta haayada ASAL waxay marka hore u mahadnaqayaan Ilaahay subxaana watacaalaa, marka xiga waxaan u mahadnaqaynaa masuuliyiinta iyo maamulka dugsiyada hoose/dhexe iyo sare ee Al-Jaziira ee magaalada hargeysa iyo sidoo kale masuuliyiinta waasarada waxbarashada iyo sayniska heer gobol iyo mid degmaba, sidoo kale waxan halkan uga mahadnaqaynaa dhamaan shaqaalihii iyo masuuliyiintii sare ee haayada ASAL ee dadaalka iyo wakhtiga dheeraadka ah galiyay sidii ay u qabsoomi lahaa tartankani.

No comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *